Somali News

Shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee Suudaan oo loo yeeray

Muqdisho-KNN-War ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu wargaliyay in dhamaan xubnaha diblomaasiyiinta ah, ee ka howlgala safaaradda Soomaaliya ee Suudaan, in ay dalka dib ugu soo laabtaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Warkan ayaa waxaa lagu sheegay in amarka loogu yeeray diblomaasiyiintan,  uu ka yimaaday xafiiska Ra’iiisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre.

In loo yeero shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ayaa salka ku haysa booqashadii dhawaan uu dalkaa ku tagay Ra’iisul Wasaaraha oo arday Soomaalida ah ee Suudaan wax ka barata ay cabasho aan tiro yareyn la wadaageen mudane Khayre.