Uncategorized

Shaqaalihii Xafiiska laga maamulayay Hawada Soomaaliya ee Nairobi oo maanta Muqdisho yimid

Muqdisho-KNN-Maanta Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray shaqaalihii ka shaqeynayay Hay’adda maamusha hawada Somaliya ee ICAO ee magaalada Nairobi, shaqaalahaas oo dib ugu shaqa bilaabi doono waaxda Hawada ee Soomaaliya.

Maxamed Cabdulaahi Salaad oomaar Wasiirka duuliska Hawada ee xukumada Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo guul ay u tahay Dowlada Soomaaliya, isla markaana Muqdisho maanta ay keeneen 34 ka mid ahaa shaqaalihii ka shaqeynayay xafiiskii maamulayay Hawada Soomaaliya ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Wasiir Maxamed Oomaar ayaa tilmaamay in shaqaalahaan ay yihiin kuwoo Khibrad duruqsan u leh arimaha hawada oo ay ka shaqeynayeen muddo aad u dheer oo ka badan dhowr iyo labaatan sano.

Shaqaalahaan horay ugu shaqeynayay Hawada Soomaaliya oo laga maamulayay dalka dibadiisa ayaa imaanaya xili dhamaadkii sandkii hore ay la soo wareegtay Dowlada Hawada Soomaaliya.