Somali News

Shaqaalle ka tirsan QM oo lagu dilay Gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN-dabley hubeysan ayaa xalay salaadii cishaha ka dib Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxa ay ku dishay Maxamed Cabdi Kheyre “Vimto”, kadib markii uu kasoo baxay Masjid ku yaalla halkaas oo uu kusoo dukaday salaadii cishaha.

Maxamed Cabdi Kheyre ayaa la sheegay in uu ahaa shaqaalle Hey’add hoos tagta Qaramada Midoobey oo ka howlgasha Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Marxuumka oo kasoo baxay Masjid kuyaalla xaafadda Astaan Hobyo ee Gaalkacyo ayaa la sheegay in ay toogatay labo dhalinyaro ah oo Bistoolado ku hubeysnaa.

Vimto ayaa ahaa nin si weyn looga yaqaano degaanada maamulka Galmudug, waxaana uu ahaa Madaxii Amniga Hay’addaha Qaramada Midoobey ee degaanada maamulka Galmudug.

Dableydii dilka u geysatay marxuumka ayaa goobta iskaga baxsatay waxaana la sheegay in dilka kadib ay Ciidamada Booliiska maamulka Galmudug iyo kuwa isku dhafka ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo ay wadaan baaritaano lagu baacsanayo ragii dilka geystay, mana jirto ilaa hada cid loo soo qabtay dilka Vimto.