Somali News

Shaqo joojin lagu sameeyay Gudoomiyaha Yaaqshiid.

Muqdisho-KNN-Warqad ka soo baxay Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda ee Maamulka  Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur  ayaa waxaa shaqo joojin  lagu sameeyay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan (Geedow).

Shaqo joojinta lagu sameeyay Gudoomiyaha  ayaa waxaa lagu eedeeyay musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

Shaqada maamulka degmada Yaaqshiid ayaa waxaa  hada si KMG ah xilka  loogu dhiibay Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada ee degmada Yaaqshiid Maxamed Deeq.

Dhawaan ayay aheyd markii Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu shaqo joojin uu ku sameeyay Guddoomiyihii Degmada Xamar Weyne Cumar Shariif Jeeg, kadib markii lagu eedeeyay musuq maasuq.