Somali News

Shaqooyinka qaar ee dowlada mareykanka oo xiran taariikhda intii ugu badneed.

Muqdisho-KNN-Kumanaan ka tirsan shaqaalaha mareykanka ayaa waxaa soo wajahay mushaar la’aan kadib markii ay dheeraatay xirnaashaha shaqooyinka qaar ee dowlada mareykanka.

Muranka u dhaxeeya  golaha Cobgres’ka mareykanka iyo madaxwayanaha dalkaasi ayaa salka ku haya ansixinta balaayiin doolar uu doonayo madaxwayne Trump in uu gidaar uga dhiso xadka mareykanka uu la wadaago dalka Mexico.

Maanta oo sabti ah ayaa noqonaysa maalintii 22’aad oo ay wali xiranyihiin shaqooyinka qaar ee dowlada mareykanka taas oo maalin dheer xiligii madaxwayne Bill Clinton intiiu dhaxeesaysanadihii 1995 illaa 1996 waqtigaasi oo ay hakad galeen shaqooyinka mareykanka mudo 21 maalin ah.  

Madaxwaynha mareykanka Donald Trump ayaa dhankiisa diiday in uu ansixiyo qorshaha dhaqaalaha tan iyo inta looga meel marinayo lacagihii uu dalbaday in uu gidaarka ku dhiso.

Xayiraada ku timid afar meelood meel shaqooyinka dalka mareykanka ayaa sabab u noqotay in mushaar la’aan ay soo wajahdo shaqaalo gaaraya 800,000 oo ay ku jiraan shaqaalaha ilaalada xabsiyada, shaqaalaha garoomada diyaaradaha iyo shaqaalaha Hay`adda Sirdoonka.