Somali News

Shariif Sheikh oo quus ka muujiyay in dalka doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo

Kismaayo-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo khudbad ka jeedinayay xafladda caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah.

Qodobkii ugu muhiimsanaa oo uu Shariif Sheikh ka hadlay ayaa ahaa doorashada la filayo inay Soomaliya ka dhacdo sanadka 2021 marka uu dhamaado waqtiga Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shariif ayaa waxaa uu sheegay in xiligaan sida ay wax ku socdaan la fileyn in dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah sanadka 2021, isla markaana haatan rajadaas aysan muuqan.

”Ma fileyno inay dalka ka dhacayso doorasho qof iyo cod ah mana muuqato” Ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  ayaa ka hadlay Cunaqabateyntii dowladda Federaalka saartay maamul Goboleedka Jubbaland oo ay ugu weyn tahay xayiraadii la saaray duulimaadyadii tooska ee Kismaayo iyo magaalada Muqdisho.