Uncategorized

Shariif Xasan”AMISOM waxaa loo baahan yahay in la soo kordhiyo”

baydhabo–KNN– Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Saxafadda kula hadlay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta KMG Koofur Galbeed Soomaaliya ahna Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegay in Xilligaan aan loo baahneyn in la dhimo Tirada Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Xusay in Xiligaan loo baahan yahay in la kor-dhiyo Tirada Ciidamada AMISOM si dalka looga saaro dagaalameyaasha Xarakada Al-shabaab.

AMISOM ayaa wada Qorshe lagu dhimayo Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga Bisha May ee 2018,waxaana la sheegay in Ciidamada AMISOM ay Dalka oo dhan ka bixi doonaan 2020,markii la dhiso Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo badali doona AMISOM.