Somali News

Sheekh Baaruud Gurxan oo ka digay in la dhaqaale lagu taageero Al-Shabaab

Muqdisho-KNN-Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo ganacsatada  ugu baaqay in aan gabbaad la siin lana taageerin Al-Shabaab iyo Daacish.

Guddoomiye ku xigeenka dalladda Culimaa’udiinka Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baarruud Gurxan,oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ganacsatada dhaqaalaha siiya Al-Shabaab ugu digay in aysan u hoggaansamin awaamiirta kuwa caadeystay daadinta Dhiigga Ummadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

 “Qofkii cabsi uu ka qabo Al-shabaab awgeed lacag u siiyo in uu qeyb ka yahay dembiyada ay geysanayaan, isagoo kula taliyay dadka bixiya baadda argagixisada ay ka towbad keenaan arrintaasi oo halis ku ah Aakhiradooda Alle hortiisa aysan mar marsiiyo ka noqoneyn waxaan ku badbaadinayay maalkeyga iyo Nafteyda” ayuu yiri , Sheekh Nuur.

Guddoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa isna dhallinyarada ka tirsan Al-Shabaab ugu baaqay in ay ka soo laabtaan waddada qaldan iyo fikirka qaldan ee Al-Shabaab, waxaa uuna ku baaqay in loo midoobe dagaalka Al-Shabaab.