Uncategorized

Sheekh Maxamed Shaakir”waa in Gobollada Dhexe laga helaa Maamul Mideysan”

Nairobi–KNN–Madaxweynaha Maamulka Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo asagoo ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya Wareysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga Ee BBC ayaa ka hadlay wada-hadal ay dhawaan ku yeesheen Magaalada Nairobi Ahlusunna iyo Galmudug.

Hogaamiyaha Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in Madax ka tirsan Urur Gobolleedka IGAD ay si Goon Gooni ah ula kulmeen Madax ka socota Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna Islamarkaana dhankasta lagala hadlay sidii loo Xalin lahaa Khilaafka u dhexeeya Galmudug iyo Ahlusunna,waxaana uu sheekh Maxamed Shaakir intaas ku daray in hadda ay Rajadu ay tahah mid aad u sareysa.

Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda Ahlusunna ay doonayaan in la mideeyo Awoodda Galmudug iyo Ahlusunna si meesha looga saaro kala Qob-qobnaanta hadda ka dhex jirta.

“Waxaan dooneynaa in la mideeyo Calanka Dastuurka,Baarlamaanka iyo Ciidamada,intaas haddii ay dhacdo waxaa Sahlanaaneysa in laga Adkaado Al-shabaab oo laga saaro Goobaha ay ka joogaan Gobollada Dhexe ee Bartamaha Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyne Shaakir.

Dabayaaqada Bishaan ayaa lagu wadaa in Galmudug iyo Ahlusunna ay Heshiis ku kala Saxiixdaan Magaalada Jabuuti Ee Caasimadda Wadanka Jabuuti.