Muqdisho–KNN– Shirkii Jiraa’id ee Magaalada Muqdisho uu ku qabtay Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Masuur ayuu uga hadlay Arrimo Dhowr ah oo la Xiriirta Mowqifka uu ka taagan yahay Al-shabaab.
Sheekh Muqtaar Roobow ayaa sheegay inuu Shabaab ka baxay Shan Sano ka hor ka dib markii ay Iskhilaafeen islamarkaana ay isku dhaceen Hogaamiyihii Hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka Codsaneyaa in ay i Cafiyaan waxaan halkaan ku Caddeyneyaa in aan ka baxay Mowqifkii Al-shabaab”ayuu yiri Roobow.
Sidoo kale Shirka Jiraa’id Ee Rooboow waxaa uu ku sheegay in Muqdisho inuu yimaado in ay ka shaqeyeen Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka,iyadoo uu xusay in Dowladda Soomaaliya hadda uu wada hadal u socdo.