Somali News

Sheekh Shaakir oo aqbalay in ciidanka dowladda dhexe ay ka howlgalaan Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb-KNN-Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxa xukuumadda Maamulka Galmudug oo xalay ka hadlayay xuska 1-da Luulyo ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya  iyo maamulka Galmudug ka howlgalaan magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud.

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug ayaa Waxaa uu sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin in magaalada Dhuusamareeb ay u noqoto meel loo wada siman yahay, islamarkaana ay ka howlgalaan Hay’adaha nabadgelyada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug.

Sidoo kale madaxa Xukuumadda ayaa waxaa shaaca ka qaaday in magaalada amnigeeda ay ku wareejinayaan dowladda federaalka iyo Galmudug.

Arintan ayaa ka dambeysay, kadib markii maamulka Galmudug iyo dowlada federaalka ay maalmo ka hor isku afgarteen in la qabto bishan gudaheeda doorashada Galmudug, loona dhiso maamul mideysan, iyadoo dhinaca kale la soo afjaray khilaafkii in mudo ah taagnaa.