Somali News

Sheekh Shaakir oo kulama la qaatay Guddiga doorashooyinka Qaranka

Muqdisho-KNN-Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka ayaa kulan magaalada Dhuusamareeb kula qaatay mas’uuliyiin maamulka Galmudug.

Mas’uuliyiinta ay la kulantay waxaa kamid ah Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed shaakir Cali Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo maamulkaasi katirsan.

Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin la shaqeynta Guddiga doorashooyinka Qaranka, waxayna ku taliyeen in la dar-dar geliyo arimaha la xariira doorashooyinka Qaranka.