Somali News

Sheekh Shariif iyo madaxwenaha Jabuuti oo ka wada hadlay doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu magaalada Caasimada ee Jabuuti ee dalka Jabuuti waxa uu kula kulmay madaxweynaha dalkaasi Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Sheekh Shariif iyo xubno masuuliyiin ah oo safarkiisa ku wehlinayay oo uu ka mid ahaa xoghayaha arrimaha dibada ee xisbiga Himilo Qaran, iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ka dhici dona sanadka 2021-ka.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa qaby ka ahaa safiirka dalka Jabuuti ee Soomaaliya Amb.Aadan Xasan Aadan.

Ugu dambayntii Sheekh Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ahna madaxweynihii hore ee dawladdii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya, ayaa waxa uu uga mahadceliayay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, soo dhawaynta iyo kulankii dhexmaray.