Somali News

Sheekh Shariif oo lagu wado inuu ka hadlo xayiraadii shalay la saaray

Muqdisho-KNN-Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu shir jaraa’id ku qabto Hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Shariif ayaa la filayaa inuu shaaciyo go’aankiisa ku aadan xayiraadii shalay laga saaray Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada hoose.

Shirka jaraa’id ee Sheekh Shariif ayaa u badnaan doono falkii shalay ku qabsatay Garoonka Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho, iyo tilaabada uu qaadi doono.

Lama oga sida uu uga falcilin doono Sheekh Shariif falkii shalay ku dhacay.