Somali News

Sheekh Shariif oo xalay la kulmay Guddoonada labada Aqal.

Muqdisho-KNN-Kulankan oo madaxweynihii hore ee dowladdii ku meel gaarka ah Shariif Sheekh Axmed uu la qaatay guddoonnada labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya ayaa lagu sheegay inay uga wada hadleen xaaladda haatan dalka ka jirta iyo sida wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka jira dalka.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullahi oo kala ah guddoonnada labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya kulanka ay sida gaar gaarka ah ula yeesheen shariif sheekh axmed ayaa lisla meel dhigay sida la sheegay in wax laga qabto khilaafka labada aqal oo in muddo ah soo jiitamaya walinna aaanan jirin cid wax ka qabatay.

Sidoo kale waxaa liisla meel dhigay dhammeystirka dastuurka qabyada ah sameynta hannaanka doorashooyinka 2021 meel marinta nidaamka xisbiyada badan iyo in xal waara laga gaaro khilaafka maamul gobaleedyada uu kala dhaxeeyo dowladda federaalka ah ee soomaaliya.

Guddoonnada labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya ayaa lagu sheegay inay ballan qaadeen inay wax badan ka qaban doonaan qodobada laga wada hadlay ee kor aynu kusoo xusnay.

Xubno ka tirsan xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya goob joogne ka ahaa kulankaan ayaa KNN u xaqiijiyay in Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee soomaaliya kulanka oo sida gaar gaarka ah uu la qaatay guddoonnada labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya uu kusoo dhammaaday sida la doonayo ayna sugayaan inuu mira dhallo.