Somali News

Sheikh Shaakir oo shacabka Soomaaliyeed ugu hanbaliyey munaasabadda Ciida

Dhuusamareeb-KNN-Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan Ayaa Hambaliyo ku aadan dhalashada bisha Shawaal waxa uu u diray dhaman Umada Islamka gaar ahaan Shacabka reer Galmudug.

Sheikh Shaakir ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed uu lawadaagayo farxada Ciidul fitriga, oo barito inta badan reer Galmudug ay u tahay maalinta koowaad ee Ciida.

Sheikh Maxamed Shaakir ayaa allah uga baryey in uu Ka aqbalo dhamaan dadkii soo gutay Acmaashii soonka intii lagu guda jiray bishii barakeysneed ee Ramadaan, isagoo shacabka reer Galmudug ku booriyey in ay farxadda Ciida awgeed isugu gargaaraan si Allaah ugu naxariisto.

Iyadoo inta badan maanta la Ciiday dalka iyo dunida inteeda kale ayaa shacabka ku nool inta badan deegaanada uu maamulo maamulka Galmudug waxa ay u eheyd maalin Soon, waxayna biri u noqoneysaa maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga.