Muqdisho-KNN-Warqad uu soo saaray Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan Madaxa xukuumadda Galmudug ayaa waxaa uu ka hadlay go’aanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadanaa in doorashada madaxtinimada Galmudug la qabto 4 bisha July ee soo socota.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Sheikh Shaakir oo taageeraya war-saxaafadeedkii Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashada madaxtinimada Galmudug la qaban doono 4July 2019, laguna qaban doono magaalada Dhuusamareeb.
Madaxa xukuumadda ayaa dhammaan shacabka Galmudug ugu baaqay in ay taageeran doorashada xukuumadda Soomaaliya ay ka qabanayso dowlad goboleedka Galmudug islamarkaana u istaagan midnimada wadajirka iyo ilaalinta heshiiskii Madaxtooyada Soomaaliya lagu saxiixay ee midaynta Galmudug.
Halkan ka Akhriso
