Somali News

Shiikh Aadan Madoobe oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku guuleystay kursiga Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Doorasbo adag oo muddo saacado ah ka socotay Teendhada Afisiyooni ayaa waxaa wareegii saddexaad ku tartamay Labada Musharax ee kala ah Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Xasan Cabdi Nuur.

Shiikh Aadan Madoobe ayaana ku guulleystay Doorashada, isaga oo helay 163 codadka Xildhibaannada, halka musharixii kale Xasan Cabdi Nuur uu helay 89 cod, sida ay ku dhowaaqeen Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Doorashada Guddoomiye ku-xigeennada ayaa waxaa laga dhigay Maalinta berri, maadaama la isla gaarey xilli dambe.