Somali News

Shiikh Aadan Madoobe oo tacsi la wadaagay Cabdullaahi Timacadde

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray  Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare  Cabdullahi Cali Hersi Timacadde, oo xalay Hooyadiisa Hodon Aw-Daahir Afqarshe ku geeriyootay magaaladda Hargaysa.

“Waxaan tacsida iyo murugada la qeybsanayaa Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Abdullahi Ali Hersi Timacadde, oo Hooyadiis
Marxuumad Hodon Aw-Daahir Afqarshe Alle ha u naxariisto xalay ku geeriyootay magaalada Hargeysa.” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka..

Sidoo kale, wuxuu Eebe ugu baryay marxuumadda in uu janadiisa ka waraabiyo, Guddoomiye Timacadde, isagoo ugu duceeyay Ehelka iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed inuu samir iyo iimaan Alle ka kasiiyo.

Ugu dambeyn, “Guddoomiyaha oo Marxuumada Alle uga baryay in uu danbigeeda dhaafo,  janadiisana geeyo ayuu Guddoomiye Timacadde iyo dhammaan qoyskiisa la wadaagay xanuunka tacsida in uu samir iyo Iimaan kasiiyo.” Ayaa yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shiikh Aadan Maxamed Nuur.