Guddoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed, Sheeikh Bashiir Axmed Salaad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan ku matalin hadalkii shalay ka soo yeeray, ee uu ku weeraray Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
Sheekh Bashiir ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan kala tashan jeedinta hadalkaas, isla markaana aysan ku raacsanayn, isagoo Sheekh Soomow ku eedeeyay in hadii uu wax ka tabanayo Umal ay aheyd inuu la wadaago culumada kale ee kala tirsan hey’adda.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay inay muhiim tahay ka qeyb galka Muxaadarada uu Sheekh Umal balan qaaday inuu maanta ku qabanayo Garoonka Eng.Yariisow ee magaalada Muqdisho.
Sheekh Soomow ayaa ku eedeeyey Umal in dad badan ay dartiis qabri ugu jiraan islamarkaana uusan muxaadaro ku qaban karin Muqdisho.


