Uncategorized

Shiikh Max’ed Siciid Atam oo liiska Argigixisada lagu daray.

Muqdisho-KNN-War lagu baahiyay wakaaladda wararka Sacuudiga u faafisa ee SPA waxaa lagu sheegay in dawladaha isbahaysiga ee xiriirka u jaray dawlada Qatar ay xanibaad hor leh kusoo rogeen ururo Islaami ah iyo shaqsiyaad caan oo  qaarkood Soomaali yihiin kuwaasoo dawladaha isbahasigu u aqoonsadeen inay aragixisada la shaqeeyaan.

Liiska shaqsiyaad  kasoo muuqday warbixintaan oo 11 ruux gaaraya waxaa ku jira Sh, Max’ed  Siciid Atam oo Soomaali ah horeyna u ahaa gudoomiyihii dagaalamayaasha Al-Shabab ee ka dagaalamaya degaanadda maamulka Puntland hase ahaatee  sanadkii 2014 sheegay inuu iskaga baxay Al-Shabab dawlada Soomaaliyana isku dhiibay.

Atam hadda waxaa uu ku noolyahay dalka Qatar oo uu magangalyo ka helay.

Dawladaha lixda ah ee go’doomiyay dawlada Qatar warkoodaan cusub waxay ku sheegeen in shaqsiyaadkaan uu Atam ku jiro u aqoonsan yihiin inay argagixisada taageeraan ama ay ka tirsanyihiin sida warku u qoran yahay.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA oo warkaan baahisay waxaa ay ku waramaysaa in sidoo kale hay’addo qaarkood ka shaqeeya samafalka iyo faafinta dacwada waxaana ka mid ah hay’add uu maamulo wadaadka la yiraahdo Sh, Yuusuf Al-Qardawi.

Sidoo kale hogaamiyaasha ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa liiskaan lagu soo daray.