Muqdisho-KNN-Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo dhawaan isku soo dhibay Dowladda Soomaaliya ayaa xalay kulan la qaatay Xidhibaanada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed sida ay KNN ay u sheegeen qaar ka mid ah Xildhibaanada.
Abuu Mansuur iyo Xildhibaanada ayaa ku kulmay Hotel ku yaala Magaalada Muqdisho waxaana kulankooda ahaa mid casho sharaf ah oo ay Xildhibaanada u sameeyeen Shiikh Mukhtaar waxaana sidoo kale ay ka wadahadleen natiijadii ka soo baxday kulamo uu dhawaan la qaatay Xubno ka tirsan Dowlada Soomaaliya gudigeeda u qaabilsan wadahadalka Abuu Mansuur.
Abuu Mansuur ayaa Xildhibaanada ka siiyay warbixin kulamo uu la qaatay Ra’iisal Wasaare Kheyrre iyo qodobadii ay ku heshiiyeen isagoo sidoo kale faah faahiyay qodobo ay isku fahmi waayeen labada dhinac.
Xildhibaanada qaar ee kulanka la qaatay Abuu Mansuur ayaa KNN u sheegay in ay Xukuumada Soomaaliya iyo Shiikh Mukhtaar ay kala talinayaa qodobo la isku afgaran waayay oo heshiiska Abuu Mansuur ka mid ahaa sidaas darteedna ay kulanka Abuu Mansuur u qabteen.
Waxyaabaha la isku afgarn la yahay ayaa waxaa ka mid ah sidii laga yeeli lahaa Ciidamada Abuu Mansuur ee ku sugan Abal duleedka magaalada Xudur ee Xarunta Gobalka Bakool.
Abuu Mansuur ayaa markii ugu horeysay la kulmi doona maalinta biri ah Madaxweynaha Soomaaliya sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.