Uncategorized

Shiikh Mukhtaar Roobow oo maanta dhiigiisa ugu deeqay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe.

Muqdsiho-KNN-Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa ka mid noqday dadka dhiiggooda ugu deeqay dhibbanayaasha ay dhaawacyada ka soo gaareen weerarkii 14kii Bishan ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen in kabadan 300 oo qof.

Abuu Mansuur waxaa uu booqday Xarunta Gurmadka Qaran ee Hargaha iyo Saamaha,halkaas oo howlaha gurmadka ah ee Ehellada Raadinaya dadkooda isku xirkoodu ka socdo waxa uuna halkaasi ka jeediyay Khubad uu kaga hadlaayo wixii halkaasi ka dhacay.

“Al-Shabaab intii aan ku jiray dhowr jeer ayaa isku dagaalnay waana kala hadli jiray qaraxyada Ismiidaaminta oo ah danbi culus, wiilsha Soomaaliyeed ee is Qarxinaya waxaan ka codsanayaa in ay iska joojiyaan qaraxyada waa danbi Culus oo aan marna la isku cafin doonin” ayuu yiri Abuu Mansuur.

Sidoo kale Shiikh Mansuur ayaa ugu baaqay Dagaalamayaasha Shabaab in ay joojiyaan dilalka dadka rayidka ah.

“wiilasha is qarxinaya ee naftooda haligaya waxaan u sheegaya waxa aad sameyneysaan waa danbi janno ku gali meysaaan ee Alle ka cabsada, hogaamiyaha Shabaab ee idin soo diray hadii janno lagu helayo isagaa is qarxin lahaa waalidkiinana arintaan raali kama ahan” ayuu mar kale yiri Abuu Mansuur.

Madaxda ugu sarreysa Dowladda Soomaaliya ayaa iyaguna shalay shubayay dhiiggooda,waxaana sidoo kale Dadweynaha Soomaaliyeed ay iyana ka qeyb qaadanayeen dhiig bixinta.