Uncategorized

Shiikh Mukhtaar Roobow oo maanta ka baaqday Safar uu ku tagi lahaa Baydhabo.

Baydhabo-KNN-Wararka naga soo gaarayo  magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa soo sheegayo in Maanta uu baaqday Safar uu Baydhabo ku tagi lahaa Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo mudooyinkaan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Sida ay Idaacadad kulmiye u xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed Shiikh Mukhtaar Roobow ayaa lagu waday in maanta uu ka dago Baydhabo waxaana halkaasi kaga sii horeeyay Wasiirka Gaashaan-dhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed.

Safarka Abuu-Mansuur ayaa la sheegay in uu ku beegan yahay Maalinta biri ah sida aan ka soo xiganay Ilo ku dhaw dhaw Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed.

Lama oga waxa uu salka ku haayo safarka Abuu Mansuur uu ku tagayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay waxaana la sheegay in wadooyinka qaar laga joojiyay isku socodka gaadiidka iyo dadka.