Uncategorized

Shiikh Shaakir “Dowladda Faderaalka Soomaaliya waa u Gaftay Maamulka Galmudug”

Dhuusamareeb-KNN-War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa looga hadlay baaq dhawaan ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ee ku aadanaa Khilaafka hogaanka Galmudug.

Shiikh Shaakir ayaa sheegay in Hadalkii dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya ay tahay Gaf iyo Qalad laga galay Maamulka Galmudug, isagoo sidoo kale ka hor yimid Baaqii Wasiirka ee ahaa iney si deg deg ah ku yimaadaan magaalada Muqdisho si loo xaliyo Khilaafka u dhaxeeyo Galmudug.