Somali News

Shiikh Shariif oo kulamo looga hadlayo doorashooyinka ka bilaabay Baydhabo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee Shiikh shariif Shiikh Axmed oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa halkaasi waxaa uu ka bilaabay  kulamo looga hadlayo arimaha doorashooyinka oo xiligan muran badan ay ka taagan tahay.

Shiikh Shariif  ayaa xarunta madaxtooyada Koofur Galbeed shalay kulan kula qaatay madaxweynaha maamulkaas, C/cassis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

Madaxweynihii hore ee Somalia iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in  ay kulan la qaataan qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasi oo kala hadli doona xaaladda dalka iyo marxaladda kala guurka ah ee Doorashooyinka.

Safarka Shiikh Shariif ee uu ku tagay magaalada  Baydhabo ayaa ku soo aadaya xili ay Shalay  musharaxiinta mucaaridku ay soo saareen war-murtiyeed ku aadan arrimaha doorashooyinka oo muddooyinkii dambe ay ka muujiyeen walaac xoogan.

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka ka taagan doorashada madaxweynaha ee la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo horaanta sanadka soo socda ee 2021-ka, waxaana hannaanka loo diyaarinayo doorashadaas ka biyo diidsan musharraxiinta xilka madaxweynaha oo mideysan.

12 Musharrax – oo u xusul duubaya inay meesha ka saaraan madaxweynaha Somalia  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka soo horjeestay guddiyada doorashooyinka oo ay magacowday dowladda Federaalka Somalia.

In muddo ahba wuu soo socday khilaafka hannaanka doorashada iyo kalsooni darrada ay muujinayaan mucaaradka kasoo horjeeda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dad badan waxay isweydiinayaan sida ay noqon karto tallaabada kale ee horay loogu qaado doorashada.