Somali News

Shiikh Shariif oo xubin ka noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa kamid noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, ka dib Doorasho ka dhacday magaalada Jowhar.

Shiikh Shariif ayaa ku guulleystay Kursiga Hop-146, ka dib markii uu tanaasulay musharixii kale ee Shariif Abuukar Axmed, sida ay sheegeen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Hirshabeelle.

Shiikh Shariif oo hadal kooban ka jeediyay Goobta Doorashada ayaa u mahad celiyay Ergada Dooratay, isaga oo ballan qaaday in uu si caddaalad ah ugu shaqeyn doono.

Shariif waa musharax u taagan Xilka Madaxweynaha, waxaana kursigaan Hop-146 ee ku soo baxay hore ugu fadhiyay Wasiirka Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur.