Somali News

Shiinaha oo Markab dagaal oo u soo diraya Soomaaliya

Markabka 37-aad ee taabacsan maraakiibta dagaalka Shiinaha ayaa kasoo amba baxay dekada Sania ee Gobolka Haynaan ee Koonfurta Shiinaha isagoo kusoo jeeda Gacanka Cadan iyo Biyaha Somalia howlgal lagu doonayo inay ku galbiyaan doomaha u raran Ganacsada Soomaalida ee biyaha isticmaasha.


Wakaalada Shinwaa ee wararka u baahisa Shiinaha ayaa sheegtay in Markabku ay saaran yihiin ciidamo si gaar ah u tababaran, 700 oo saraakiil iyo askar kale ay sii dheertahay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa saaran Markaabkaan kusoo jeeda xeebaha Somalia.


Markabkaan oo lagu magacabo Changsha ayaa markiisi ugu horey ka qeyb qaadanaya inuu wax ka galbiyo doomaha ganacsiga ee biyaha Soomaaliya maraya isagoo ka ilaalinaya suurtagalnimada weerar uga yimaada Burcad badeeda Soomaalida oo sanadihii dambe hoos u dhac laga dareemay weeraradoodi.


Dowladda Shiinaha ayaa markii ugu horeeysay waxa ay howlgal ka bilowday gacanka cadan iyo Biyaha Somalia sanadkii 2008 bishii December.