Uncategorized

Shiinaha iyo Hindiya oo markale ku dagaallamay xuduudda

Hindiya ayaa ku eedeysay Shiinaha inay ku xadgudubtay heshiiska xudduudda ee ay labada dal ku gaareen wada hadalladii nabadda ee ay dhowaan yeesheen.

Waxay sheegtay in ciidamada Shiinaha ay sameeyeen “dhoollatus milatari” si loo beddelo maqaamka Ladakh.

Ugu yaraan 20 askari oo Hindi ah ayaa ku dhintay isku dhac gobolkaa ku dhex maray ciidamada Hindiya iyo Shiinaha. Shiinaha ma aysan sheegin in askar ay kaga dhimatay dagaalka.

Labada dal ee haysta hubka nukliyeerka ayaa midba kan kale ku eedeeyay inuu heshiiska xadka ku xadbugbay uuna daandaansi dagaal wado.

Shiinaha weli kama uusan jawaabin eedeymihii ugu dambeeyay ee Shiinaha, oo imaanaya kaddib dhowr mar oo ay wada hadal nabadeed yeesheen labada dal tan iyo bishii June.

Wararka warbaahinta ayaa sheegaya in ciidamadu uu isku dhac ku dhex maray buuro dhererkoodu yahay 4,300m (14,000ft), iyadoo qaar ka mid ah ciidamada Hindiya ay ku dhaceen webiga Galwan ee xowliga u socda, iyadoo heerkulka cimiladuna uu eber ka hooseeyay.

Ugu yaraan 76 ciidamada Hindiya ka tirsan ayaa la sheegay inay dhaawacmeen halka 20 kalena ay dhinteen. Shiinaha ma uusan shaacin khasaaraha gaaray ciidamadiisa.

Dagaalka ayaa dhacay iyadoo aysan labada ciidan heysan wax hub ah sababtoo ah heshiiskii 1996 ayaa mamnuucaya in hub iyo waxlaha qarxa lagu haysto aaggaas.