Somali News

Shiinaha oo cambaaray’yay xubno badan oo katirsanaa mucaaradka Hong Kong oo is casilay.

Dowladda Shiinaha ayaa cambaaray’say go’aanka ay isku casileen xubno badan oo katirsanaa mucaaradka ismaamulka Hong Kong.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ujeedka is casilaada xubnahaasi ay tahay sidii ay cadaadis u saari lahaayeen maamulka.

Arbacadii ayay ahayd markii 15 kamid ah xubnaha mucaaradka Hong Kong ay ku dhawaaqeen in ay is casileen kadib markii shaqada laga joojiyay afar kamid saaxiibadooda katirsanaa xubnaha sharci darjinta.

Beijing ayaa sheegtay in afarta xilibaan ay qal qal galiyeen amniga qaranka.