Somali News

Shiinaha oo ka hadlay buufin laga shakiyay oo lagu arkay hawada Mareykanka

Shiinaha ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo ka dib markii Mareykanka uu sheegay in hawadiisa uu ku arkay buufin basaas aheyd oo laga soo diray Shiinaha tasoo ku duulaysay joog dheer xilli ay maraysay hawada Mareykanka iyo sidoo kale Canada.

Shiinaha wuxuu ku tilmaamay arrintani ‘bunbuunin iyo hadallo la isla dhexmarayo’ tan iyo inta laga xaqiijinayo dhacdada.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay inay ku hawlan tahay sidii ay u xaqiijin lahayd xaaladdan, waxayna intaa ku dartay in Shiinaha uusan wax damac ah ka laheyn inuu ku xad-gudbo hawada dal kale.

Goob joogayaal ku sugan gobolka Montana ee dalka Mareykanka ayaa sheegay inay arkeen buufinta oo dul heehaabeysay hawada gaar ahaan goobaha xasaasiga ah ee Nukliyeerka.