Muqdisho-KNN-Dalka Shiinaha ayaa muwaadiniintiisa uga digay in ay u safraan dalka Mareykanka oo ay sheegeen in ay kusoo kordhayaan falalka toogasho xilli uu si xumaanayo xiriirka ka dhaxeeyo labada dal.
Wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska ee Shiinaha ayaa sheegtay in falalka amni daro ee Mareykanka kusoo kordhaya ay ka mid yihiin dhaca, iyo dilalka oo siyaabooyin kala duwan uga dhaca.
Wasaaradda arimaha Shiinaha ayaa sidoo kale dhankeeda sheegtay in shuruucda Mareykanka aysan awood u laheen waxkaqabashada dhibaatooyinkan.
Hadalka kasoo yeeray Shiinaha ayaa kusoo beegmaya waqti uu hoos usii dhacayo xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka.
Bishii May ee aanu kasoo gudubnay ayay ahyd markii labada dowladood ay balaayiin doolar ku kordhiyeen canshuurihii ay horay ugasoo rogeen Alaabaha loo kala dhoofiyo labada wadan.