Somali News

Shiinaha oo sheegay in uusan wadahadal ka galeen qadiyada Hong Kong.

Muqdisho-KNN-Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in aysan marna wadahadal ka gali doonin maqaabka Ismaamulka Hong Kong ee kamid ahaanshaha maamulka Shiinaha.

“Beijing marna ma aqbali doonto isku day walba oo lagu doonayo in wax loogu dhimo maqaamka Hong Kong” ayaa lagu yiri war saxaafaded laga soo saray xafiiska Shiinaha uu ku leeyahay Hong Kong.

Afhayeenka dowladda dhexe ee Shiinaha ayaa warfidiyeenada u sheegay in dowladda dhexe ay kalsooni ku qabto in xukuumada Hong Kong ay leedahay rabitaanka iyo awooda lagu dhameen karo qalalaasaha halkaasi ka taagan. 

Iyadoo rabshadaha Hong Kong ay galeen todobaadkii 14’aad ayaa haddana dadka dibad baxyada dhigaya wali waxa ay dalbanayaan maamul dimoqoraadi ah. 

Dibad baxyaasha ayaa sidoo kale dalbanaya in ay is casisho haweenada hogaamiso maamulkaasi iyo in baaritaano madax banaan lagu sameeyo tacadiyo ay sheegeen in ay u geesteen booliska Hong Kong.

Shalayna hogaamiyaha Hong Kong ayaa beenisay in Shiinaha ay ka diideen codsi iscasilaad ah oo ay u gudbisay.