Somali News

Shiinaha oo war ka soo saaray dhibaatada uu geysan karo gantaalkii hawada uga lumay

Inta badan haraaga gantaalka weyn ee Shiinaha ka soo fakaday ayaa la filayaa in uu dhulka dib ugu soo laabato Sabtida maanta ah, waxa uuna wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Wenbin sheegay inay u badan tahay in haraaga gantaalka uusan waxyeello geysan.

Gantaalkan wayn ee lagu magacaabo Long March-5b, oo ah sida gaari qaadi kara xamuulka, waxaa bishii la soo dhaafay loo diray saldhigga cusub ee Shiinaha uu ka sameystay Hawada Sare.

Balse, gantaalka oo ku soo wajahan dhulka, hadda waa la xakameyn waayay. Waa gantaalkii labaad ee ugu wayn ee la xakameyn waayay ee dhulka ku soo dhaca, 30 sano gudahood.

Meesha uu ku dhacdayo gantaalka “lama tilmaami karo ilaa laga gaaro saacadaha uu ku so beegan yahay dhulka ee 8-dda bisha oo maanta ku beegan.

Xawaaraha uu dhulka ku soo gali doono waxay ku xiran tahay sida hawada ay tahay, xaalado badan sida joogga sare ee dhulka ah, ayaana arrintaa sababi kara. Xogtaas weli si wanaagsan looma hayo.