Somali News

Shikadda Twitter oo shaqaalaheeda u fasaxday in guryahooda ay ku shaqayn karaan

Muqdisho-KNN-Shirkadda Twitter ayaa ku dhawaaqday in shaqaalaheeda ay marwalba guryahooda ka shaqayn karaan, haddii ay u baahdaan.

Go’aankan ayaa imaanaya kaddib markii ay shirkadda sheegtay in xilligii ay shaqaalaheeda guryaha ka howlgalaayeen ay u cadaatay suurtagalnimada ah in guryaha xilli walba laga shaqayn karo.

Balse waxa ay sidoo kale sheegtay in shaqaalaha ay marwalba “haddii ay doonan” ku soo noqon karaan xafiiska.

Hadalkan ka soo yeeray shirkadda Twitter ayey qaar ka mid ah khubarada dhanka tiknolojiyadda ku sheegeen “bilaw cusub .“

Shirkaddan oo uu saldhigeeda yahay magaalada San Francisco ayaa waxa ka howlgala shaqaala gaaraya 4,000 oo ruux.