Somali News

Shil ay ku dhinteen ciidamo Mareykan oo ka dhacay dalkaas

Sadax askari oo Mareykan ah ayaa dhimatay halka sadax kalana ay dhaawacmeen kadib markii uu shil galay gaari ciidan oo ay saarnaayeen.

Shilkan oo ka dhacay gobolka Georgia ayaa yimid kadib markii mid kamid ah gaari ay tababar ku sameenayeen uu laqalibmay.

Gaariga ciidan ayaa waxaa saarnaa lix kamid ah askarta Mareykanka sida ay sheegeen masuuliyiinta gobolka.

Sidoo kale taliyaha ciidamada ayaa sheegay in askarta dhaawacantay loo qaaday isbitaalka ciidamada.

Labo kamid ah askarta dhaawacantay ayaa ladaweeyay halka kan sadaxaadna isbitaal rayid ah loo wareejiyay, sida lagu sheegay war saxaafadeedka.

Masuuliyiinta ayaana sheegaya in haatan baaritaan lagu hayo dhacdadan.