Somali News

Shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka Diyaaradaha degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Diyaarada ayaa sidday gargaar ay ka qaaday Muqdisho, iyada oo marka ay dageysay ka baxday Dhabaha diyaaradaha, isla markaasna dhex gashay guri ka agdhow Garoonka Diyaaradaha Ceelbarde.

Warar hor dhac ah oo aan ka helnay dadka deegaanka ah ayaa xaqiijinaya in uu geeriyooday duuliyihii diyaaradda islamarkaana uu ku dhaawacmay caawiyihii duuliyaha.