Somali News

Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Mareykanka

Muqdisho-KNN-Diyaarad yar ayaa shil ku gashay Dalka Mareykanka, gaar ahaan Garoon diyaaradeed oo ku yaala Gobolka Texas waxaana ku dhintay 10 qof oo Diyaarada Saarnaa.

Diyaaradda oo ah labo maooreey ayaa bur-brurtay wax yar uun ka dib markii ay kasoo duushay Garoon kale oo lagu magacabo Addison.

Si deg- deg bah ayey u badeshay Jahadii ay u socotay waxayna madaxa lagashay dhisme weyn oo diyaaradaha la dhigo wax yar uun kadib intii uusan dab qabsan, sida ay sheegeen Saraakiisha maxaliga ah ee dab damiska.

Hadda waxaa socda baaris ku aadan in la ogaado waxa keenay in ciladda diyaaradda ku timid.