Somali News

Shil diyaareed oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Istanbuul

Saddex qof ayaa dhimatay, tiro ka badan boqol ruuxna waa ay ku dhaawacmeen kadib shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada istanbuul ee dalka Turkiga.

Diyaarad ka duulaysay garoonka diyaaraha  Sabiha Gokcen ee magaalada Istanbul xalay saqdii dhexe   ayaa mar qura wadada ka baxday.

Diyaaraddu waxay ku dhacday meel geedo ah oo ka baxsan garoonka iyada oo dadka dhaawacmay ay ku bad baadeen diyaarada oo aan qarxin

Dadka dhaawacyada qaba ayaa la dhigay cisbitaalada waa way nee istambuul.

 Wali waxaa socda gurmad aad u xoogan oo ay wadaan laamaha caafimaadka.