Somali News

Shil gaari oo goor dhow ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhimatay halka mid kalana uu ku dhaawacmay, kaddib markii shil gaari uu ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Shilkaas ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen gaari nooca xamuulka qaada ah iyo mooto Bajaaj, waxaana halkaas ku dhintay wadihii mooto Bajaajta iyo ruux kale oo shacab ah.

Waxaa goobta ka baxsaday wadihii gaariga xamuulka ah ee ku dhacay mooto Bajaajta.