Somali News

Shil gaari oo ka dhacay Gobalka Mudug.

Gaalkacyo-KNN-Wararka naga soo gaaraya Gobalka Mudug ayaa sheegaya in maanta shil gaaro uu ka dhacay duleedka Magaalada gaalkacyo.

Shilka oo gaari ahaa ayaa la sheegay inuu ka dhacay inta u dhaxeysa Galinsoor iyo Gaalkacyo, waxaana la sheegay inuu khasaaro ka dhashay shilkaasi.

Gaariga rogmaday ayaa waxaa saarnaa  Culuma’udiin,  waxaa uuna gaarigu ku rogmaday deegaanka Sedex-higlo ee gobalka Mudug, waxaana waqtigaasi la sheegay in ay ku sii jeedeen Magaalada Gaalkacyo, sida uu soo sheegayo wariyaha KNN ee Gobalka Mudug.

Inta la ogyahay 10 qof ayaa ku dhawaacmay  oo dhamaantoodi ahaa culumadii saarnaa gaariga, waxaana dhaawacooda loo qaaday isbitaalka Magaalada Gaalkacyo oo Xilligan lagu dabiibayo.