Somali News

Shil gaari oo ka dhacay Gobalka Mudug.

Gaalkacyo-KNN-Wararka  ka imaanaya  deegaanka Gawaan ee  Koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya  in saakay aroortii  uu ka dhacay shil gaari oo sababay khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac.

Inta la ogyahay 6 Qof ayaa ku dhintay,  halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawaca soo gaaray ayaa waxaa loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Magalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dadka Deegaanka ayaa waxaa ay sababta shilka ku sheegeen inuu yahay wadooyinka qaar ee gobolka mudug oo xiligan  burbursan.