Somali News

Shil gaari oo ka dhacay gobolka Sool

Shil gaari ayaa ka dhacay gobolka sool kaasi oo ay khasaare xoog leh u gaystay neefaf geel ah wadada isticmaalayay.

Ugu yaraan 20 neef oo geela ayaa dhintay halka kuwo kalena ay dhaawacmeen kadib markii uu gaari xamuul uu ku dhacay xoolahan oo wadada marayay.

Gobolka Sool ayaa marar badan waxaa ka dhaca shilal geysta khasaaro badan gaar ahaana kuwa gaadiidka kuwaas oo u muuqday in ay sii kordhayaan sababo la xiriira waddooyinka oo ah kuwa aan dhismo iyo dayactie helin muddo dhowr sanadood ah.