Somali News

Shil gaari oo ka dhacay Muqdisho iyo khasaare ka dhashay.

Muqdisho-KNN-Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay halka tiro ka badan 3 kalana ay dhaawacmeen kadib shil gaari oo saaka ka dhacay xaafadda Towfiiq ee Dagmada Yaqshid ee gobolka banaadir.

Shilka ayaa yimid kadib markii sida ay KNN ushegeen Goob-jogayaal ay Gaari iska roge ah iyo mid caasi ah ay sku dhacay, dadka la hadlay KNN ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in xaaladooda caafimaad labo kamid ah 3 qof ee dhaawac aad looga deeyrinayo sababo la xiriiro Dhaawacyo xoogan oo soo gaaray.

Wali kama aysan hadlin maamulka degmada iyo kan gobolka waxaana dadkii dhaawaca ahaa la geeyay gobaha cafimaadka si xaaladooda wax looga qabto.