Somali News

Shil gaari oo ka dhacay Suuq bakaaraha ee Muqdisho

Inta la ogyahay 3 qof ayaa ku geeriyootay kadib shil gaari oo maanta ka dhacay isgoyska Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Shilka ayaa ka dambeeyay, kadib markii uu fariin goostay gaari nooca xamuul ah oo maray wadadaasi, sida goobjoogayaal u sheegeen KNN.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan ay socdaan gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay shilkaasi oo qaarkood ay dhismyaal ku soo dumeen, kadib markii uu gaariga ku dhacay.