Uncategorized

Shil gaari oo Khasaare geystay oo maanta ka dhacay Shabeelaha dhexe

Muqdisho-KNN-Goob joogayaal ku sugan deegaanka Cisiley ee gobalka Shabeelaha dhexe ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in maanta uu shil gaari oo sababay Khasaare dhaawacyo ah uu ka dhacay deegaankaasi kadib markii uu rogmaday Gaari Caano usoo waday Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadkii ugurmaday kuwa dhaawaca soo gaaray ayaa sheegay in ay qaadeyn ugu yaraan dhaawaca 7 qof oo 3 ka mid ah ay qabaan dhaawacyo halis ah waxaana loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Gaariga rogmaday ayaa lagu sheegay Dheyno oo ka soo baxay deegaanka Ceel-macaan ee Sh/dhexe waxana saarnaa dumar iyo rag Caano waday oo muqdisho ku soo wajahanaa sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Darawalka ayaa la sheegay in si Xowli ah u ka xeeyay Gaariga iyadoo aan wadooyinka Nadiif aheyn waxayna arintaasi soo da-dajisay in Gaariga rogmado.