Uncategorized

Shil gaari oo khasaaro geystay oo ka dhacay Soomaaliland

Hargeysa-KNN-Shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Hargeysa iyo Barbara ayaa waxaa ku geeriyooday Korneyl Cabdiweli Cabdillaahi Warfaa, oo ahaa taliyaha hogaanka tababarka ee ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland iyo Axmed Casayr oo ahaa nin qurba joog ah oo la socday korneylka, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay saddex qof oo kale oo haatan lagu dawaynayo isbitaalka dhexe ee magaalada Berbera.

Shilkaan ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceyn gaariga ay la socdeen xubnahaan  iyo gaari kale oo ay leedahay shirkada socdaalka ee Soomaaliland.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil, Axmed Cismaan Xasan (Timacade) ayaa sheegay in ciidanka nabad gelyada wadooyinka ee Taraafik-gu ay baadhayaan shilkaas, isla markaana dib ay kala wadaagi doonaan warbaahinta waxa dhaliyay shilkaan.

Shilalka ka dhaca Soomaaliland ayaa bata xili roobaadka, iyadoona taa ay jirto ayaa haddane waxaa jira wadayaasha gaadiidka oo si xowli ah u ka xeeya gawaarida iyo wadooyinka oo bur bursan.