Muqdisho-KNN-Shil gaari oo khasaaro dhaliyay ayaa Saakay ka dhacay wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.
Shilka ayaa yimid kadib markii Gaari nuuca Cabdi Bilaha ah oo si xowli ah ku socday uu ka baxay wadada kadib markii wadihii Gaarigaasi uu xakameyn waayay, taasina ay sababtay in mid ka mid dadka lugeynayay wadada dhinaceeda uu Gaariga uu ku dhaco halkaasi uu ku dhintay.
Waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray wadihii Gaariga Cabdi bilaha ah iyo mid kale oo la socday.
Marxuubka geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray sida la sheegay Gacal Cumar Maxamuud oo da`adiisu lagu qiyaasay 60-70 sano.