Somali News

Shil Gaari oo markale ka dhacay Gobalka Mudug.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Gaari Xamuul ah oo sidday Qare uu  ku guddoomay inta u dhaxeysa  sadex higlo iyo bandiirleey oo ka tirsan Gobalkaasi.

2 ruux  ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen shilkaasi gaari ee ka dhacay Gobalka Mudug.

Dadka ku dhaawacmay shilka ayaa waxaa loo qaaday qaar ka mid ah isbitaalada ku yaala Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Shalay ayay aheyd markii shil gaari uu ka dhacay Deegaanka Gawaan ee Gobalka Mudug, kaasi oo ay ku dhinteen 6 qof.

Shilalka ayaa ku soo aadaya xili wadooyinka Koofurta Gobalka Mudug ay yihiin kuwa Bur-bur uu ka muuqdo.