Jowhar-KNN-Wararka aan ka heleyno garoon diyaaraha ee magaalada jowhar ayaa sheegay inuu shil gaari ku dhintay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowlada federalka somaliya halka ilaa afar askari kale oo uu la socday sarkaalka ay dhaawacmeen.
Allaha u naxariistee sarkaalka ayaa lagu magacabayay Mukhtaar Jareere waxaana uu xukumayay ciidamada militiriga ee ku sugan deegaanka Buurane oo hoos taga dagmada Mahadaay ee gobolka sh dhexe.
Gaariga uu shilka ku galay sarkaal oo ahaa gaari nooca somalida u taqaano cabdi bile ayaa ka baxay magaalada jowhar waxaana uu kusii jeeday deegaanka buurane balse gaariga ayaa rogmaday xili uu marayay meel ku dhaw garoonka diyaaradaha ee magaalada jowhar.
Askari ka tirsan ciidamada uu xukumayay sarkaalka dhintay ayaa idaacada kulmiye u sheegay in taliyaha uu gacantiisa ku waday gaariga isla markaana uu ku waday xawaare sare taas oo keentay inuu rogmado gaariga.
